Aragti: Guusha Mo Faarax ma caawin kartaa Soomaalida iyo Soomaaliya?
By Idil Osman

Mo Faarax waxa uu ku guuleystay orodka 10,000mitir iyo kan 50,000mitir
Guusha labada biladood ee dahabka ee Mo Faarax waxay u ahayd aragti wanaagsan dadka Soomaaliyeed oo magacoodu ayaan darro uu la sinmay sharci la'aan iyo fawdo.
Soomaaliya ma lahayn dowlad shaqeysa muddo 20 sano ah. Tan iyo markii uu maamulka burburay 1991, dalku waxa uu noqday goob ay siday doonaan ka yeelaan kuwa la xiriira burcad-badeedda iyo al-Qaacida, taasi oo ku soo jeedisay indhaha adduunka.
Soomaalida deggan UK iyo dalal kale oo reer galbeed ah ayaa ku xirmay qas-wadayaasha, markaa waxay u noqotay guusha Soomaali u dhashay Britian dhammaan qoysaska badan ee ku nool Britain hawo wanaagsan oo lagu neefsado iyo farxad, kuwaasi oo laga yaabo inay markii hore fikrado kale ka heysteen.
Waxaan gaar ahaan rajeynayaa in guusha Mo Faarax ay Soomaalida iyo mujtamacyada kale ee deggan Britain isku soo dhaweyso, si ay u jeclesytaan bini'aadan wuxuu gaari karo iyo waxa ina mideeya umadda dheriga ku wada jirta ee loo yaqaan Great Britain.
Waxaan joogay caasimadda Muqdisho ee Soomaaliya labadii toddobaad ee u dambeeyay ayaan darro waxaa I dhaafay fursaddii toos aan ugu daawan lahaa cayaaraha.
Laakiin waxaan xaqiijiyay in aan TV kasta oo aan arko daawado taasina keligey ma ahayn.
Shaashadda weyn waad arkeysay qof waliba inuu u qeylinayay inuu arki Mo Faarax oo ordaya.
Dadka magaalada Muqdisho xoog ayay u jecel yihiin, waana sax.
Waa halkii uu ku dhashay dadka dhallinyarada deggaanka badankood waxay dareensan yihiin inay xiriir la leeyihiin.