
Qiiq weyn ayaa ka baxay goobta qaraxu ka dhacay ee magaalada Dimishiq
Bam ayaa ka qarxay magaalada Dimishiq ee caasimadda waddanka Suuriya, meel u dhaw hotel ay isticmaalaan kooxda kormeerayaasha ee Qaramada Midoobay.
Masuuliyiinta Suuriya ayaa sheegay in bamku ka qarxay baabuur weyn oo shidaalka qaada, saddex qof ayaan ku dhaawacmay - qofkoodna ma ahayn shaqaalaha Qaramada Midoobay.
Kooxda mucaaradka Suuriya ee ciidamada xoreynta Suuriya ayaa sheegay in bamku uu ahaa mid lagu bar-tilmaameedsanayay waxa ay ugu yeereen kulan militeri.