BBC navigation

Dayaaradaha Uganda oo la helay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 14 Agoosto, 2012, 09:32 GMT 12:32 SGA

Dayaaradaha Uganda waxaa la waayay maalintii Axadda

Ciidamada militeriga Kenya ayaa sheegay in laga helay burburkii laba dayaaradood ee helicopter ah oo ay leeyihiin ciidanka Uganda meel ku taal buuraha Kenya.

Afhayeen u hadlay ciidamada ayaa sheegay in helicopter-da ay gubteen, isla markaana aan la ogeyn wax ku dhacay dadkii saarnaa.

Dayaaradaha ayaa waxa ay u socdeen inay ku biiraan hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Waxa ay ahaayeen afar dayaaradood - mid ka mid ah waxa ay u degtay si deg deg, halka midda kale ay u duushay magaalada Garisa.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.