bbc.co.uk navigation

Military-ga Uganda oo raadinaya helicoptero ka maqan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 13 Agoosto, 2012, 03:14 GMT 06:14 SGA


Military-ga dalka Uganda, ayaa sheegay in la raadinayo dhowr ka tirsan helicopter-ada dagaalka oo ku guuldaraystay in waqtigii loo qabtay ay dib ugu laabtaan dalka Kenya.

Diyaaradaha ayaa ka mid ahaa qalabka military-ga Uganda ee lagu xoojinayo ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya.

Oo kaliya mid ka mid ah helicopter-ada ayaa waqtigii loo qorsheeyay dib ugu laabatay magaalada Wajeer.

Military-ga Uganda ma sheegin tirada helicopter-ada maqan ama tirada ciidanka saarnaa.

Ciidamada Uganda ayaa tirada ugu badan ka ah xoogaga nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya, oo sidoo kale ay ku jiraan kuwa dalalka Kenya iyo Burundi.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.