Hawlaha xulka baarlamaanka oo socda

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 10 Agoosto, 2012, 09:54 GMT 12:54 SGA
doorashada baarlamaanka Somalia

doorashada baarlamaanka Somalia

Guddiga farsamada ayaa ku hawllan hubinta buuxinta shuruudihii lagu xidhay xubnaha mudanayaasha baarlamaanka cusub ee liiska ilaa hadda la soo gudbiyey.

Maanta oo taariikdhdu ay tahay toban-ka bishan August ayaa ahayd kama danbays taariikhdii loo qabtay in la soo dhamaystiro liiska 275 mudanayaasha cusub, lana dhaariyo isla maanta.

hasse ahaatee waxa la soo sheegay in tirada ilaa hadda la soo gubiyey ay tahay ilaa boqol iyo dhawr iyo siddeetan magac.

Waxana la filayaa in isla maanta uu go'aan ka soo baxo guddigaasi farsamada tallaabadan tan xigta, iyo in dhaarintii mudanayaasha dib loo dhigo ilaa inta liisku soo dhammaanayo iyo in kale.

Waxa kale oo qorshaysan in inta ka horraysay bishan August 20-keeda in la qabto doorashada afhayeenkii baarlamaanka, kaasi oo guddoomin doona doorashada madaxweynaha ee labaatanka August.

Guddiga farsamadu waxa uu ka kooban yahay ilaa 27 xubnood oo Soomaali ah, iyo sagaal goobjooge oo ka socda xafiiska UNPOS ee xafiiska Qaramada Misoobay ee qaabilsan Somalia iyo bushada caalamka.

Shalayna golaha odayaashu waxay sameeyeen guddi gaar ah oo eegta khilaafaadka iyo cabasahooyinka beelaha marka loo eego muranka xulidda mudanayaasha baaarlamaanka cusub.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.