bbc.co.uk navigation

Golaha Libya oo xukunkii wareejiyey

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 9 Agoosto, 2012, 05:49 GMT 08:49 SGA
Libya

Madaxa Golaha KMG Libya Mustafa Cabdiljalil ayaa taladii ku wareejiyey ninka ugu da'da weyn baarlamaanka cusub.

Goliha Qaranka ee KMG ee Libya ayaa awoodii ku wareejiyey barlamaanka cusub ee la doortay.

Arrintani ayaa ka dhacdey xaflad ballaaran oo xalay saqdii dhexe lagu qabtey caasimadda Tripoli.

Waxaana halkaa ku dhamaadey xiligii kala-guurka, in kasta oo ay weli dalkaasi ka jiraan iska-horimaadyo hubeysan oo u dhexeeyo milishiyaad qabiil oo weli awood ballaaran ku leh dalkaasi.

Golaha KMG ee haatan xilligiisu dhamaadey ayaa la dhisey bilihii ugu dambeeyey ee xukunkii hogaamiyihii hore ee dalkaasi Libya Mucammar Al-Qadafi.

Madaxa Golahii KMG Mustafa Cabdiljalil ayaa sheegey in goluhu ku fashilmey xasilinta dalka.

Cabdiljalil waxaa uu awooda ku wareejiyey Maxamad Cali Salim, oo ah ninka ugu da’da weyn baarlamaanka, waxaana la filayaa in maanta uu baarlamaanka doorto Guddoomiye.

Tirada ugu badan ee mudanayaasha baarlamaanka ayaa ka soo jeeda xisbiga wadaniga ee uu hogaaminaayo Raisal Wasaarihii hore ee dalkaasi Maxamuud Jibril.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.