bbc.co.uk navigation

Saraakiil xilka laga qaadey Masar

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 9 Agoosto, 2012, 05:20 GMT 08:20 SGA
Militariga Masar

Ciidanka Masar ayaa weerar ku qaadey dabley hubeysan gobolka Sinai

Madaxweynaha Masar Maxamad Morsi ayaa talada ka qaadeey mas'uuliyiin sar-sare oo dhanka amaanka.

Waxaa xilalkii laga qaaday madaxii sirdoonka, guddoomiyihii gobolka Sinai iyo taliyihii ilaalada madaxtooyada.

Morsi ayaa isbedello kale ku sameeyey qaybo ka mid ah madaxdii ciidamada militariga ee dalkaasi.

Magaalada Qaahira waxaa loo magacaabey taliyayaal cusub oo dhanka amaanka.

Isbedeldani waxay ka dambeeyeen dilkii maalinta Axada loo geystey 16 ka mid ah askarta ilaalada xadka Masar oo dabley hubeysan ay ku dileen gobolka Sinai oo xad la leh israel iyo Marinka Gaza.

Saacada ka hor go'aanka madaxweynaha, ciidanka Masar ayaa weerar ku qaadey dabley hubeysan oo ku sugan gobolkaasi, waxayna sheegeen inay halkaasi ku dileen 20 ruux.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.