bbc.co.uk navigation

Nigeria: 19 lagu diley Kaniisad

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 7 Agoosto, 2012, 15:25 GMT 18:25 SGA
Boko Xaraam

Hogaamiyaha Boko Xaraam Abubakar Shekau

Ugu yaraan 19 ruux ayaa lagu diley weerar lagu qaadey kaniisad ku taalla dalka Nigeria.

Dabley hubeysan ayaa rasaas ku furey kaniisadani magaalada Okene ee gobolka Kogi.

Wadaadka kaniisadaasi madaxa ka ahaa ayaa ka mid ah dadka halkaasi lagu diley.

Ilaa haatan ma cado cidda ka dambeysey weerarkaasi, lakin weeraro hore oo dalkaasi ka dhacey waxaa qirtey kooxka Islaamiga ah ee Boko Xaraam.

Weriyaha BBC ee Nigeria Will Ross ayaa sheegey in weerarku uu ka dhacey meel aad ugu fog halka ay awoodda ku leeyihiin ururka Boko Xaraam.

Taliyaha nabad-sugidda gobolka Kogi, Gen Gabriel Olorunyomi, ayaa sheegy in dad badan ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.

Ururka Boko Xaraam ayaa horey dalka Nigeria uga geystey weeraro lala beegsadey xeryaha booliska iyo kaniisado.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.