BBC navigation

Mucaaradka oo ka baxay Salaaxudiin

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 9 Agoosto, 2012, 18:55 GMT 21:55 SGA

Ciidanka dowladda Suuriya oo ka dagaallamaya Xalab

Wararka ka imanaya Suuriya ayaa sheegaya in dagaalyahanniinta mucaaradka ay ka baxeen xaafad ay ku xoogganaayeen magaalada Xalab oo saldhig weyn u ahayd kadib dukheyn culus oo loo geystay.

Weriye British oo jooga magaalada ayaa sheegay amarka in laga baxo xaafadda Saalaxudiin in la bixiyey kadib markii weerarro culus oo ay saddex aag uga soo qaadeen ciidanka dowladda Suuriya.

Ciidamada xorreynta Suuriya ayaa sheegaya in ay tahay ka bixitaan farsamo oo keliya, laakiin waxaa la sheegay in ciidamada dowlaada ay soo galeen aaggii ay ka baxeen.

Waxaa kale oo jira warar sheegaya in ciidanka dowladdu ay xoojiyeen dukheynta xaafadaha kale ee magaalada Xalab.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.