Shirka Nairobi oo heshiis lagu gaarey

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 Agoosto, 2012, 14:20 GMT 17:20 SGA
Madaxda Soomaalida

Madaxda Soomalida ayaa la sheegey inay isku khilaafeen shir ka dhacey magaalada Nairobi.

Shir magaalada Nairobi ugu socdey shan kamid ah saxiixayaasha Roadmap-ka ayaa la soo gaba-gabeeyey.

Waxaa laisku af-gartey in mudanayaasha baarlamaanka ee mathali doono degaanka Khaatumo ay soo kala xulaan odayaal dhaqameed ku kala sugan Muqdisho iyo Garoowe.

Waxaa kale oo lagu heshiiyey in tacliinta dadka soo geli-doono baarlamaanka ay ka sareyso heerka dugsi sare iyo welibo in guddiyada soo xulayo xildhibaanda ay u madax banaanaadaan howshaasi oo amaankoodana la sugo.

Shirkani ayaa Nairobi ka socdey labo maalmood. Madaxweynaha dowladda kumeel-gaarka ayaa la sheegey in maalin ka hor uu ka baxey shirkaasi, in kasta oo uu markuu Muqdisho gaarey uu sheegey in uu ballamo ku lahaa halkaasi.

Soomaaliya ayaa haatan yeelatey destuur cusub, waxaana la filayaa in la soo xulo mudanayaasha baarlamaanka si ay u soo doortaan madaxweyne 20 August 2012.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.