bbc.co.uk navigation

Clinton oo booqaneysa Koonfurta Sudan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 Agoosto, 2012, 09:06 GMT 12:06 SGA

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Hillary Clinton,

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Hillary Clinton, ayaa booqasho gaaban ku tageysa Koonfurta Suudaan maanta.

Waxa ay noqoneysaa sarkaalkii ugu sareeyay ee dowladda Mareykanka ka socda ee booqda dalka tan iyo markii ay xornimada qaateen sanad ka hor.

Mrs Clinton -- oo hadda joogta dalkii toddobaad ee Afrika booqashadeeda, waxa ay la kulmi doontaa Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir.

Mareykanku waxa uu ku boorinayaa Suudaan iyo Koonfurta Suudaan inay kordhiyaan dadaalka lagu xallinayo khilaafka u dhexeeya labada dhinac, kaasi oo keenay in ay u dhawaadaan in dagaal weyn uu dhexmaro sanadkan horraantiisi.

Labada Suudaan waa in ay weli ka heshiiyaan muranka soohdinta iyo shidaalka.

Wararka la xiriira

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.