BBC navigation

Doorashada Kenya oo la qabanaya March

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 31 Luulyo, 2012, 17:01 GMT 20:01 SGA
Dibad-baxyo

Doorashooyinkii 2007-da ee Kenya kadib waxaa dalkaasi ka dhacey qalalaasa siyaasadeed

Maxkamadda racfaanka ee dalka Kenya aya taageertey go’aan ay horey maxkamadda Sare u gaartey oo ahaa in doorashada dalkaasi Kenya la qabto bisha sadexaad ee sanadka 2013.

Doorashadani ayaa ah tii ugu horreysey ee dalkaasi laga qabanaayo tan iyo markii dalkaasi uu dhacey qalalaasihi xigey doorashadii 2007-da la qabtey.

Muranka taariikhda la qabanaya doorashada ayaa dhashey kadib markii hogaamiyayaasha dowladda waadaga, madaxweyne Mwai Kibaki iyo Raisal Wasaare Raila Odinga, ay ku heshiin waayeen taariikhda la qabanayo doorashadaasi.

Raila ayaa doonayey in doorashada la qabto bisha December ee dabayaaqada sanadkan, laakin guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqey in bisha sadexaad ee March ay dhacdo cod-bixinta.

Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa sheegtey in loo baahanyahay in baarlamaanka uu dhameysta shan sano oo kaamil ah. Baarlamaanka ayaa ka dib-dhacey bisha January oo ahayd xilliga la doonayey in la dhaariyo, iyadoo doorashadii 2007-da kadib uu dalkaasi ka dhacey xasuuq, ka hor inta aan la gelin heshiis lagu dhisey dowlad wadaag ah.

Ururada bulshada rayyadka ah ayaa si weyn ugu soo horjeestey taariikhda doorashada loo qabtey ee March, waxay ka codsadeen maxkamadda racfaanka ee dalka inay bedasho go’aanka maxkamadda sare, laalkin taasi sida muuqata way ku guul dareysteen.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.