bbc.co.uk navigation

Cudurka Ebola oo Uganda ka dilaacey

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 31 Luulyo, 2012, 05:43 GMT 08:43 SGA
Uganda

Cudurka Ebola ee halista ayaa la xaqiijiyey in uu ka dilaacey dalka Uganda

Caasimadda Uganda waxaa cisbitaal la dhigay dad kale oo uu ku dhacey cudurka Ebola.

Cudurkani waxaa dhaliyo virus khatar ah ee la is-qaadsiyo ee si deg deg ah loogu dhinto. Waxaa la sheegayaa in boqolkiiba 90 dadka uu ka dhaco ay u dhintaan.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Musevani ayaa dadka uga digay halista cudurka oo wuxuu uuna ugu baaqey in la hakiyo is-gacan-qaadka.

Cudurkan dhowr jeer oo hore ayuu ka dilaacay dalka Uganda.

Wadamada deriska la ah Uganda sida Kenya, ayaa haatan ka wal-walsan in cudurkaasi uu soo gudbo.

Waxaa la qaadey talaabo loogu hortagaayo in cudurkaasi uu soo gaaro Nairobi oo ay jiraan safaro joogta ah oo Uganda ka yimaado.

Ilaa haatan, 14 ruux ayaa dalka Uganda ugu dhintey cudurkaasi tan iyo markii uu ka bilawdey galbeedka dalkaasi.

Haatan waxaa lagu soo waramayaa in cudurka uu soo gaarey magaalada caasimada ee Kampala.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.