BBC navigation

Obama oo xayirey dhoofinta dhuxusha Somalia

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 21 Luulyo, 2012, 16:44 GMT 19:44 SGA
dhuxul ganacsi loogu talagaley

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, ayaa xayiraad ku soo rogey dhoofinta dhuxusha Somalia, oo xukumadda Washington ay rumeysan tahay in lacagta ka soo xeroota loo adeegsado maalgelinta hawlaha kooxda Al Shabab ee dalka Somalia. Kooxdan ayaa waxay xiriir la leedahay urur weynah Al Qaacida.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka waxay sheegtey in isbedel yar lagu sameeyey xeer horey u jirey, isla markaana uu Madaxweyne Obama qalinka ku duugey qaraar uu horey u meel mariyey Golaha Ammaanka ee QM, oo horaantii sannadkan lagu mamnuucey dhoofinta dhuxusha Somalia.

Victoria Nuland oo ah afhayeen ka tirsan xukuumadda Washington waxay sheegtey in xayiraadda dhoofinta dhuxusha ay cadaadis weyn saari doonto kooxda Al Shabab, oo dakhliga ugu badan ka hesha ganacsigaasi.

Wax soo saarka dhuxusha Somalia, waxaa kale oo uu dhibaato balaaran oo dhinaca degaanka ah ku reebey dalka, taas oo ka sii dartey mashaakilka aadaminimo ee dalkaasi haysta.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.