bbc.co.uk navigation

Kooxda Soomaalida oo timid London

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 18 Luulyo, 2012, 09:32 GMT 12:32 SGA

Cayaartooyda Soomaaliya oo soo gaaray London

Kooxda Soomaaliya uga qeybgalaysa cayaaraha olombikada adduunka ee London ayaa soo gaaray saaka magaalada London.

Soomaaliya waxa cayaaraha olombiga uga qeybgalaya laba cayaartooy oo kaliya kuwaasi oo kala ah Maxamed Xasan Maxamed iyo Samsam Maxamed Faarax.

Maxamed Xasan waxa uu ordi doonaa tartanka 1500m iyo 5000m, halka Samsam Maxamed ay iyana ordi doonto 800m iyo 1500m.

Inkastoo cayaartooyda Soomaaliyeed ee olombigga aanay soo gelin is reeb reeb haddana sida uu qabo sharciga olombikada adduunka waxaa loo oggol yahay in ay laba cayaartooy soo dirsan karaan.

Waxaa iyaguna soo gaaray London cayaartooy hore oo wax ka hoggaaminaya Sportiga iyo weliba madaxda Guddiga Oombigga Soomaaliyeed iyo xiriirrada.

Halyeeyga billadda dahabka ee 1500m, Cabdi Bile Cabdi iyo Cumar Cabdulqaadir Baarajab oo ahaa cayaartooy caan ku ah Soomaaliya, isla markaana laf dhabar u ahaa kooxda Qaranka ee Kubadda koleyga ayaa ka mid ah cayaartooydii hore ee dhiirri gelinta iyo maamulka kooxda.

Madaxda London soo gaartay waxaa ka mid ah, Sii hayaha Guddoomiyaha Olombigga, Durraan Axmed Faarax, iyo Xoghayaha Olombikada, Cabdullaahi Axmed Tarambi iyo weliba Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubbadda Koleyga, Cabdicasiis Goodax Barre.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.