bbc.co.uk navigation

19 ayaa ku dhintay shil tareen

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 13 Luulyo, 2012, 11:43 GMT 14:43 SGA

Kooxaha gargaarka oo ku baxay meesha shilku ka dhacay

Ciidamada booliiska ee gobolka bari ee waddanka Koonfur Afrika, Mpumalanga ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 19 qof ay ku dhinteen shil kaasi oo ay ku lug lahaayeen baabuur weyn iyo tareen kuwa xamuulka qaada ah.

Afhayeen u hadlay ciidamada booliiska, Joseph Mabusa ayaa sheegay in tareenka oo qaada xamuulka dhuxusha uu ku dhacay baabuur ka gudbayay jidka tareenka uu isticmaalo meel u dhaw magaalo yar oo la yiraahdo Hectorspruit.

Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in goobta shilku ka dhacay ay ahayd mid aad u fool xun oo laga naxo, iyada oo la arkayay meydadka dad madaxu ka go'ay iyo qaar lugaha iyo gacmahau ka go'een.

Baabuurka tareenku ku dhacay ayaa waxa saarnaa oo ka buuxay shaqaale beeraley ah, iyadoo uu tareenku markii uu ku dhacay uu qaaday baabuurka masaafo dhan ilaa 200 mitir.

Shaqaalaha caafimaadka oo goobta tagay ayaa sheegay in in ka badan 20 qof ay ku dhaawacmeen, oo qaarkood ay aad u liitaan.

Darawalkii ayaa ka sheegay in loola cararay isbitaalka, xaaladiisana aan la ogeyn sida ay tahay.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.