bbc.co.uk navigation

Xildhibaanada Masar Baaarlamaanka dhexgalay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 9 Luulyo, 2012, 12:44 GMT 15:44 SGA
Morsi

Madaxweynaha cusub ee Masar Maxamed Morsi oo fagaaraha Taxriir ku qabanaya hadalkiisii ugu horeeyay.

Ciidamadii ilaalinayay dhismaha baralamaanka Masar ayaa ka tagay goobta taasoo u suurtagalisayinay xildhibaanada dhismaha galaan. afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaanada ay kulmi doonaan beri.

Masuuuliyiinta milatariga iyo cadaalada ee Masar ayaa qabanaya shir deg deg ah, ka dib markii madaxweynaha cusub ee Masar Maxamed Morsi uu amray in baarlamaanka uu shaqadiisa dib u bilaabo.

Maxkamada dastuurka oo bishii hore kala dirtay baarlamaanka ayaa ka tashanaysa siday uga jawaabi lahayd talaabada uu madaxweyne Morsi qaaday.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.