bbc.co.uk navigation

UN oo cambaareyey burburinta Timbuktu

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 Luulyo, 2012, 05:08 GMT 08:08 SGA
Timbuktu

Magaalada Timbuktu waxaa ku yaalla dhismooyin taariikhi ah oo qaarkood la dhisey dhowr boqol oo sano ka hor

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa cambaareyey burburinta maqaamyada taariikhiga ah ee Mali, lakin waxaa uu diidey in ciidan ka socda waddamada galbeedka Afrika halkaasi la geeyo.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtey in aanay diyaar u ahayn inay taageerto dowladaha deriska la ah Mali in ay ciidan halkaasi u diraan.

Goluhu waxaa uu sheegey in burburinta goobaha taariikhi ah ee magaalada Timbuktu uu u dhigmi karo dambiyo dagaal.

Waddamada ku bahoobey galbeedka Afrika ee Ecowas ayaa sheegey in ilaa 3,000 oo ciidan ah ay u dirayeen dalka Mali.

Hasa ahaate, Qaramada Midoobey ayaa dalbatey in faafaahin dheeri ah laga siiyo waxa ay qabanayaan ciidankaasi.

Waddamada deriska la ah Mali ayaa ka cabsi qabo in dagaalyahanka Islaamiga ay ku fidaan gobolka.

Xiriirrada macnaha ka dhexeeya

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.