bbc.co.uk navigation

Cunaqabateyn lagu soo rogey lix ruux

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 Luulyo, 2012, 07:04 GMT 10:04 SGA
Shabaab

Qaar kamid ah dagaalyahanada Al-Shabaab

Maraykankaka ayaa cunaqabateyn dhaqaale ku soo rogtey lix ruux oo u dhashey waddamada Bariga Afrika oo lagu eedeynaayo in ay taageeraan Al-Shabaab.

Maraykanka ayaa xayirey hantida dadkani oo ka soo kala jeeda Kenya, Eritrea iyo Sudan.

Raggani waxaa kamid ah Colonel Te-wolde Negash oo ah sarkaal la sheegey in uu ka tirsanyahay sirdoonka Eritrea oo uu si toos ah ula shaqeynayey Al-Shabaab.

Sadex ruux oo kale waxay u dhasheen dalka Kenya waana Aboud Rogo Mohammed, Abubaker Shariff Ahmed iyo Omar Awadh Omar.

Aboud Rogo iyo Aboubakar Sharif ayaa horey maxkamada loogu soo taagey dalka Kenya, iyagoo lagu eedeynaayo inay xiriir la leeyihiin weeraro halkaasi ka dhacey.

Maraykanka ayaa horey u sheegey in lacago madax furasha ah oo malaayiin doolar ah uu siinaayo cidii u soo gudbiso wararka la xiriira qaar kamid ah madaxda urruka Al-Shabaab.

Wararka la xiriira

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.