
Baabuurta shidaalka u qaadda ciidamada Nato ee Pakistan ayaa muddo howl la'aan ahaa
Pakistan ayaa u ogolaaneysa ciidamada Nato ee Afghanistan in ay dib u adeegsadaan waddooyinka dalkaasi kadib markii Maraykanka ay cudur daar ka bixiyeen dilkii 24 askari oo Pakistan ah.
Ciidamada Nato ee ku sugan dalka Afghanistan waxaa hogaaminaayo Maraykanka, oo la filayo in go’aankani uu u badbaadinaayo malaayiin doolar oo qarash ah xilligan oo ay u diyaar garoobayaan in ay dalka Afghanistan ka baxaan.
Pakistan ayaa sheegtey in ay fileysa in tallabadni ay wanaajiso xiriirka u dhaxeeya labada dal.
Lakin ururka Taliban ee Pakistan aya markiiba ku hanjabey in ay weerari doonaan babuurta ciidamada Nato ee adeegsan doonto dalka Pakistan.
Xoghaya Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Hillary Clinton ayaa ku dhawaaqdey go'aanka Pakistan, kadib markii ay khadka telefoonka kula hadashey dhigeeda Pakistan, Hina Rabbani Khar.
Xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal u dhaxeysa ayaa bilaabatey kadib markii ay ciidamada Maraykanka weerar dhanka circa ku dileen 24 askari oo Pakistan ah daba-yaaqadii sanadkii hore.