bbc.co.uk navigation

Shaqaalaha la furtey oo la soo dhaweeyey

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 Luulyo, 2012, 13:16 GMT 16:16 SGA
Dhadhaab

Baabuurkii ay saarnaayeen shaqaalaha gar-gaarka afduubka kadib

Guddiyada amaanka ee Somalida ku nool Dhadhaab ayaa soo dhaweeyey soo furashada samafalayaal halkaasi laga afduubey.

Dhadhaab ayaa ah xaerada qaxootiga ee dunida ugu weyn iyadoo ay ku noolyihiin in ka badan nus malyuun ruux oo Soomali u badan.

Cabdifatax Axmed Ismaacil oo ah guddoomiyaha guddiga ammaanka ee xerada qaxootiga ee Dhagaxley ayaa dowladda Somalia ugu mahadceliyey tallabada ay cidamadeedaku soo furteen shaqaalaha hay'adda Norwegian Refugee Council oo Jimcihii laga afduubey xeryaha qaxootiga ee Dhadhab.

Afduubyadan noocan ah ayaa sameyn ku yeeshey howsha hay'adaha gar-gaarka ee ka howl-galo xeryaha qaxootiga.

Cabdifatax Axmed Ismaacil waxaa kale oo uu sheegey in afduubka uu saameyn ku yeeshey howlihii hay'adda Norwegian Refugee Council ay ka waddey xeryaha qaxootiga, in kasta oo uu leeyahey howlahii hakadka galey waxay furmeen marka la sii daayey shaqaalahaasi.

Dabley hubeysan ayaa maalintii Jimcihii xeryaha qaxootiga ee woqooyiga Kenya ka afduubey affar shaqaale gar-gaar oo halkaasi ku sugnaa, hasa ahaate, ciidamada dowladda KMG oo sheegey inay kaashanayeen dagalyahanka Raas kambooni in ay xoog ku soo furteen shaqaalahaasi.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.