bbc.co.uk navigation

Dad ku dhintey qaraxyo ka dhacey Ciraaq

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 Luulyo, 2012, 15:57 GMT 18:57 SGA
Qarax

Tobonaan ayaa ku dhintey qaraxyo ka dhacey Ciraaq

Ugu yaraan 25 ruux ayaa ku dhintey 40 kalena waa lagu dhaawacey qarax ka dhacey suuq ku yalla magaalada Al-Diwaniya ee ku taalo dalka Ciraaq.

Dhowr ruux oo kale ayaa ku dhintey ama ku dhaawacmey qaraxyo kale oo ka dhacey magaalooyin kale oo dalkaasi ku yaala.

Magaalada Karbalaa waxaa ku dhintey affar ruux kadib markii baabuur lagu soo rakibey waxyaabaha qarxo lala beegsadey dadka haysta madhabka Shiicada oo cibaadeysanaayey.

Qaraxyada ka dhaco dalkaasi Ciraaq ayaa sare u kacey toddobaadkani. Bishii June ee tegtey ayaa noqotey bisha uu dhiiga ugu badnaa ku daatey dalkaasi tan iyo ciidamada Maraykanka ay halkaasi ka baxeen bishii December ee 2011.

Qaraxa Al-Diwaaniya waxaa uu ka dhacey suuq ku dhow masaajid ay Shiicadu ku ciibaadeystaan. Halkaasi waxaa ku arruraayey dad doonayey inay u Xajiyaan magaalada Karbalaa.

Dadka haysta madhabka Shiicada ayaa xusaya xilligii uu dhashey mid kamid Imaamyada Shiicada, waxayna isugu tegaan magaalada Karbala.

Wararka la xiriira

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.