Magaalada Gaarisa ayaa waxaa ku dhintay 17 ruux ka dib markii Kaniisad iyaga oo ku jira garnayl lagu qarxiyay rasaasna lagu furay.
Waxaa dhaawac ah 47 ruux.
Guddoomiyaha gobolka, James Seriani ayaa BBC u sheegay in saraakiil badan oo ammaanka ahi ay ku daba jiraan dadkii weerarka soo qaaday.
Booliiska Kenya wuxuu sheegay in uu soo qaban doono
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Gaas, wuxuu ku eedeeyay in al Shabaab ay ka dambeysay weerarka.
Toddobaadkan ayay ahayd markii Dhadhaab oo u dhow Garisa lagu weeraray shaqaale gargaar halkaas oo lagu afduubay afar ka dib markii darawalkoodii la dilay.
Waxaa Booliisku ugu baaqay dadka Kenya in ay dulqaad muujiyaan.
Ciidammada Kenya waxay ku jiraan gudaha Soomaaliya iayaga oo la dagallamaya al Shabaab, oo ay ku eedeyeen in ay weerarro dhowr ah ku qaadday gudaha dalka Kenya.
17
47