bbc.co.uk navigation

Turkiga oo ciidammadiisa dhaqaajiyay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 28 June, 2012, 10:48 GMT 13:48 SGA


Dowladda Turkigu waxay xoojisay ciidanka ka jooga soohdinta ay la leedahay turkiga.

Kolonyo baabuur militeri ah, oo ay ku jiraan taangiyo, qoryaha lidka dayaaradaha iyo baabuurta ay gantaalladu ka dhacaan, ayaa la arkay ayaga oo u sii socda dhinaca magaalada Yayladagi ee ku taal soohdinta labada dal ee koonfurta dalka Turkiga.

Baabuur qafilan ayaa iyagana loo daad gureeyay qeybaha kale ee soohdinta.

Tallaabadani waxay ku soo beegantay iyada oo in ka yar toddobaad laga joogo markii ay Suuriya soo ridday dayaarad militeri oo Turkigu leeyahay.

Turkigu wuxuu sheegay in dayaaradaha Suuriya ay ku xad gudbeen hawada Turkiga in ka badan 100 jeer sannadkaan gudhiisa.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.