bbc.co.uk navigation

Britain oo internetka lagu weeraray

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 26 June, 2012, 09:36 GMT 12:36 SGA
M-I-5

M-I-5

Madaxa hey'adda sirdoonka gudaha ee Britain, M-I-5, ayaa sheegay in dalka Britain lagu hayo weerar xagga internetka ah oo aad loola yaabay oo lagu bartilmaameedsanayo dowaldda iyo ganacsiga.

Madaxa M-I-5, Jonathan Evans, wuxuu ku tilmaamay in dowlado shisheeye iyo kooxo dambiilayaal ahi ay isku dayayaan in ay ka faaideystaan internetka oo ay xadaan xog xasaasi ah.

Hadal uu jeediyay ayuu ku tilmaamay in isbeddel xoog lihi ka socdo dalalka Carabta, isla markaana dad aan badneyn oo British ahi ay aadeen dalal Carbeed ayaga oo doonaya in tababbar militeri lagu siiyo.

Wuxuu ku tilmaamay in meelo ka mid ah dalalka Carabtu ay noqdeen xaalad aan al Qaacida waxba ka qabin.

Madaxda M-I-5 badiyaa kama hadlaan goobo maxfal ah.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.