bbc.co.uk navigation

Cabdi Weli Gaas oo Balcad tegey

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 26 June, 2012, 16:09 GMT 19:09 SGA

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadda ku sugan Balcad oo maanta laga saaray al Shabaab.

Ra'iisal Wasaaruhu wuxuu ku baaqay in gurmad lala soo gaaro shacabka.

Balcad waa degmo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe ee xaruntiisu ay tahay Jowhar.

Waa magaalo istiraatiiji u ah difaaca caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxay caan ku tahay beeaha iyo xoolahaba.

Balcad oo berigii hore loo aqoon jiray Tayteyley, waxay in wax yar ka badan 30 km u jirtaa magaalada Muqdisho.

Waxaa mara webiga Shabeelle oo waxaa ku yaalla buundo muhiim ah.

Waxaa ku hareereysan tuulooyin iyada laga xukumo oo aad u fara badan.

Berigii dalku nabad ahaa waxaa aad uga bixi jiray suufka.

Sababtaas ayay ahayd midda loogu sameeyay warshadda dharka oo soo saari jirtay uniformka ardayda iskuulaadka Soomaaliya iyo kuwa ciidanka qalabka sida.

Xoolaha ayay iyagana caan ku tahay, waxaana iyada iyo Tuulooyinkeeduba ay caano subax walba u iib geyn jireen Muqdisho.

Xerada Hiil Weyne ee ciidanka lagu tababbaro ayaa ka tirsan degmada Balcad.

Tuulada Hareere Caadle oo iyadana ka tirsan Balcad waxaa ku yaalla saldhig Isgaarsiineed oo leh antenna 90 m kor u kacsan.

Seero aad u weyn oo duur joog badani joogto ayaa ku ag taalla.

Ka bixitaanka Shabaab ee Balcad waxay sii wiiqeysaa awoodda iyo isu socodka al Shabaab.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.