
Maraykanka iyo Ruushka ayaa ka hadley arrimaha Syria
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo dhigiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa ku baaqey in la soo afjaro qalalaasaha Syria.
Warsaxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen kadib kulan ay yeesheen ayaa waxay sheegeen in ay aaminsanyihiin in dadka reer Syria ay leeyihiin go’aanada la xiriira mustaqbalkooda.
Waa kulankii ugu horreyey ee ay labada madaxweyne yeeshaan tan iyo intii dib loo soo doortey Madaxweynaha Ruushka Putin.
Rushka iyo Shiinaha ayaa dhowr jeer codka diidmada qayyaxan ee Veto-ga u adeegsadey go’aanno la xiriirey Syria oo ka soo bixi lahaa Qaramada Midoobey.
Ruushka iyo Shiinaha waxay ku doodayaan in aan la aqbali karin in xoog lagu bedalo dowladda Madaxweyne Bashar Al-Asad.
Madaxweyne Obama ayaa kulanka kadib sheegey in isaga iyo Putin ay ku heshiiyeen in ay la shaqeeyaan dhinacyada kale ee caalamiga ah si loo xalliyo qalalaasaha Syria.