bbc.co.uk navigation

Soomaali lagu xukumay Paris

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 15 June, 2012, 10:52 GMT 13:52 SGA

Maxkamad ku taal Faransiiska ayaa 4 Soomaali ah ku xukuntay xabsi u dhexeeya 4 ilaa 10 sano.

Waxay ku eedeysnaayeen in ay afduubeen shaqaalihii markab la yiraa Le Ponant oo ah kuwa lagu tamshleeyo ah oo marayay gacanta Cadan bishii April 2008.

Laba kale waa la sii daayay. Go'aan la yaab leh ayay noqotay sii deyntoodu maaddaama uu xeer ilaaliyuhu codsaday in lagu xukumo 15 sano.

Mid ka mid ah kuwa la xukumay oo ah wadihii gaari Landcruiser ah oo ay wateen nimanka la xukumay markii la qabanayay waxaa isaga lagu xukumay afar sano oo xarig ah.

Laakiin maaddaama uu afar sano xirnaa hadda waa la sii daayay.

Shaqaalaha ay af duubeen tiradoodu waxay ahayd 30.

Ismaaciil Cali Samatar oo keliya ayaa qirtay in uu ahaa burcad badeed. waxaa lagu xukumay xabsiga ugu dheeraa dhammaantood oo ah 10 sano.

Soomaali tradoodu tahay 22 ayaa lag hayaa Faransiiska kuwaas oo loo haysto in ay dad afduubeen ka dib markii ay afar weerar ku qaadeen gaadiid marayay badda.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.