bbc.co.uk navigation

Somaliya iyo Somaliland oo kulmaya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 13 June, 2012, 13:38 GMT 16:38 SGA
Taageerayaal Somaliland

Taageerayaal Somaliland


Warar xog ogaal ah oo ay heshay BBC ayaa sheegaya in ay meel geba geba ah mareyso qaban qaabada shir ay fool-ka-fool isu soo hor fariistaan ergooyin ka socda dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya iyo xukuumadda Somaliland. Yusuf-Garaad oo BBC ka tirsan ayaa warbixintan nooga diyaariyey.

Wadahdalkani wuxuu daba joogaa shirkii London bishii Feberuary looga hadlay Somaliya oo madaxdii caalamka ee ka soo qeyb gashay ay ku dhiirri gelisay Somalia iyo Somaliland in ay wada hadlaan.

Somaliland ayaa ku horreysay oo shan Wasiir u xil saartay in ay xaggeeda ka soo saftaan.

Laakiin markii dambe Somaliland waxay ka biyo diidday ergada u soo safatay in ay matalaan Somalia. Waxay ka koobnayd shan Wasiir oo ah ka tirsan dowladda Dhexe iyo laba Wasiir oo ka tirsan dowladda Puntland ahna siyaasiyiin degaan ahaan ka soo jeeda gobollada bari ee Somaliland.

Wadahadalka hadda dhex mari doona Somaliya iyo Somliland waxaa lagu wadaa in uu ka dhaco dalkan Britain bishan June gudaheeda.

Ilo diblomasi oo xog ogaal ahi waxay sheegayaan in la filayo in Madaxweyne Shariif iyo Madaxweyne Silaanyo aanay ka qeyb geli doonin wadahadalkan oo lagu wado toban cisho gudahood in uu ku qabsoomo.

Somaliland maxay dooneysaa?

Tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni isu taagga Somaliland sannadii 1991, waxay noqoneysaa markii ugu horreysay ee ay Somaliland wadahadal toos ah la yeelato Somalia.

Waxaa la is weydiin karaa Somaliland maxay wadahadalkan ka dooneysaa in ay ku gaarto?

Somaliland waxay shirka ka daneyneysaa laba faa'iido.

Uma badna in ay la seegi doonto in ay isku daydo in ay ergada dowladda Soomaaliya ku qanciso in ay dowladdoodu aqoonsato Somaliland. Taas oo beesha caalamkuna ay ku xigi lahayd.

Marka la fiiriyo sharciyadda dowladda ku meel gaarka ah iyo weliba xilligeedii oo ay laba bilood ka hartay uma muuqato in ay aqoonsi u meel marin karto Somaliland.

Laakiin Somaliland kulankan waxay ka rajeyneysaa in uu billow u noqdo wadiiqo laga yaabo in ay aqoonsi uga hesho Somalia marka laga gudbo xilliga ku meel gaarka ah bisha August ee 2012.

Waxaa kale oo Somaliland ay shirka ka heleysaa in ay muujiso biseylkeeda ah in ay dooneyso xal lagu gaaray wadahadal.

Taas waxay beesha caalamka uga heleysaa ugu yaraan qaddarin, waxaana dhici karta in xataa taageero ay uga hesho.

Si kastaba ha ahaatee, shirku wuxuu labada dhinac u tari karaa in ay helaan hab ay isaga kaashadaan xogta la xiriirta ammaanka.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.