bbc.co.uk navigation

UN oo Siri Lanka ka saartey "liiska ceebta"

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 12 June, 2012, 10:48 GMT 13:48 SGA
Ban Ki-Moon

Qaramada Midoobey ayaa amaantey Sri Lanka

Qaramada Midoobey aya dalka Sri Lanka ka saartey “liiska ceebta” ee waddamada ku xad-gudbo carruurta.

Dalka Sri Lanka waxa uu mar caan ku ahaa askareynta carruurta iyo in loo adeegsado dagaalladda.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa haatan sheegay in dowladda dalkaasi ay sameysey dadaalada xooggan oo wax loogu qabanayo arrintaasi.

Dowladda waxaa kale oo la sheegey in ay daba-gal ku sameysey carruur gaareysa ilaa 1400 oo la la’yahay halka ay ku dambeeyeen.

Ban Ki Moon ayaa sidoo kale sheegay in UNICEF iyo xukuumada Sri Lanka ay si wadajir ah uga shaqeynayeen sidii dib loogu mideyn lahaa xubnaha qoysaskii kala lumay ee waqooyiga Sri Lanka. Sri Lanka waxaa muddo dheer ka socdey dagaal sokeeye, iyadoo dowladda ay woqooyiga dalkaasi kula dagaalameysey jahadii Tamil Tigers.

Ciidamada Militariga dalkaasi ayaa la sheegey inay faarujiyeen dhowr dugsi oo ay horey xerooyin ugu dhigteen, balse waxa walaac laga muujiyay in weli ay ku harsanyihiin 15 dugsi.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.