bbc.co.uk navigation

Kenya: Kismaayo gacan nagu siiya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 12 June, 2012, 11:21 GMT 14:21 SGA
Kismaayo

Kismaayo waa magaalo kheyraad badan

Midowga Yurub ayaa diiday baaq uga yimid Kenya oo ay ku weydiisatay in ciidammada badda ee Yurub ay ka gacan ka geystaan qabashada magaalada Kismaayo.

Afhayeen u hadlay ciidanka Midowga Yurub ee la dagaallamaya burcadbadeedda, ayaa sheegay in qabshada Kismaayo ay tahay wax k baxsan hawshii loo xil saaray ciidankaas.
Raiisal Wasaaraha Kenya, Raila Odinga, ayaa waydiistay ciiidamada Midowga Yurub ee la dagaallamaya burcad badeeddu in ay gacan ka geystaan qabsashada magaalada Kismaayo ee Soomaaliya.

Kismaayo ayaa ah magaalada ugu wayn ee ay al Shabaab haysato waxayna dekedda ka heshaa dakhliga ugu badan iyo saanad.

Raila Odinga ayaa sheegay in qorshuhu uu yahay in ciiidamada Midowga Afrika oo ka kooban afar kun inay qabsadaan Kismaayo ilaa bisha August.

Awoodda Midowga Yurub askar tooda ayaa la sii ballaariyay dhawaan si ay ugu suurto gasho inay dhulka ku weerari karaan burcadda.

Raila Odinga ayaa sheegay in uu waydiistay Maraykanku in uu bixiyo qarashka ku baxaya weerarka lagu qabanayo Kismaayo.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.