
Maraykanka ayaa lacag abaal marin ah ku bixinaayo wararka la xiriira madaxda Al-Shabaab
Dowladda Maraykanka ayaa sheegeysa inay lacag gaaraayo ilaa 30 milyan oo doolar ay ku bixinayaan wararka la xiriira madaxda Al-Shabaab.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatey sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka oo lagu magacaabo Robert Hartung oo sheegey in tani ay tahey markii ugu horreysey oo uu Maraykanka lacag ku bixinaaya madaxda Al-Shabaab.
Reuters ayaa sarkaalkani wasaaradda arrimaha dibedda ka soo xigatey in ragga lagu bartilmaameedsanaayo mashruucani ay kala yihiin, Axmed Cabdi Aw-Maxamad o ah hogaamiyaha Al-Shabaab, iyo Ibraahim Xaaji Jaam'a oo la sheegey in uu qeyb ka ahaa aasaasidda ururkani.
Fu'aad Maxamad Khalaf, Bashir Maxamad Maxamuud iyo Mukhtar Robow ayaa sido kale ku jiro liiskani.
Maraykanka waxaa uu mashruucyada noocan ah ku bixiyey lacag dhan 100 milyan oo doolar tan iyo intii la bilaabey 1984, waxaana lagu bartilmaameedsadaa ururrada ku jiro liiska argagixisada ee Maraykanka