bbc.co.uk navigation

Ugu yaraan 20 ayaa ku dhintay Afghanistan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 June, 2012, 10:09 GMT 13:09 SGA

Meesha weerarku ka dhacay waxa ay u dhawdahay saldhig NATO

Booliiska Kandahar ee koonfurta waddanka Afghanistan ayaa sheegay in ugu yaraan labaatan qof lagu dilay laba weerar oo is qarxin ah.

Inta badan dadka dhintay waxay ahaayeen rayid.

Bamka ayaa waxa uu ka dhacay meel ay isticmaalaan dadka dukaameysanaya iyo darawaliinta baabuurtooda lagu qaado allaabta loo wado ciidamada NATO ay hogaamineyso.

Booliiska ayaa sheegay in labada qof ee bamka qarxiyay in mid uu watay mooto midna uu lugeynayay.

Weerarka ayaa ka dhacay meel u dhaw garoonka dayaaradaha, halkaasi oo uu ku yaallo saldhig weyn oo militei oo ay leeyihiin ciidanka NATO.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.