bbc.co.uk navigation

Chelsea waa horyaalka Yurub

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 20 Mey, 2012, 21:34 GMT 00:34 SGA

Chelsea waa horyaalka Yurub

Chelsea ayaa rigoorayaal uga guuleysatay Bayern.

Waxay noqotay horyaalka horyaallada Yurub.

Cayaartu waxay ka dhacday garoonka Bayern.

Waxay ahayd cayaar aad u macaan oo xiisa badan.

Labada kooxood waxay isla dhaafi waayeen hal gool iyo gool 90 kii daqiiqo ee cayaartu socotay iyo weliba 30 daqiiqo oo lagu daray.

Goolka Bayern ayaa ku horreysay oo dhalisay daqiiqaddii 83.

Chelsea waxay iyadu goolka dhalisay daiiqaddii 88.

Cayaarta inta badan waxaa weerar ahaa Bayern oo garoonkeeda lagu cayaarayo.

Laakiin dhexda iyo difaacaba Chelsea waxay muujisay cayaar wanaag iyo dadaal dheeraad ah.

Chelsea waa koox Ingiriis ah, Bayern waa Jarmal.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.