bbc.co.uk navigation

Ciyaarta horyaalka ee Chelsea V Bayern

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 19 Mey, 2012, 15:12 GMT 18:12 SGA
Championship

Chelsea iyo Bayern Munich

Frank Lampard waxaa uu ku adkaysanayaa rajada ay ka qabaan qaadista horyaalka Yurub ee ciyaarta ugu dambaysa ay isaga hor imanayaan kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka oo lagu ciyaarayo garoonkeeda, Allianz Arena.

Lampard waxaa uu yiri' haddii aan isku-kalsoonaanno isla markaana aan diiradda saarno ciyaarta oo rabitaanka guusha, wixii ay rabaab ha soo daayeen Bayern Munich'.

Waxaa uu sheegay Lampard in faa'iidada ay qabto Bayern ay tahay in gurigeeda lagu dheelayo hase ahaatee aanay taasi wax badan u dhimi doonin kooxdiisa, oo ciyaartan uu isagu kabtan u yahay.

Ciyaartani waxay kaloo qiima gaar ah u leedahay tababaraha kumeelgaarka ah ee kooxda Chelsea, Di Matteo, oo haddii uu qaado koobka horyaalka Yurub ay u badan tahay inuu shaqo joogto ah ka helo milkiilaha kooxda, Roman Abramovich.

waa ciyaar aad u adag waxayna labadan kooxood soo reebeen kooxaha ugu xoogga badan adduunka ee Barcelona iyo Real Madrid oo labaduba ka tirsan dalka Spain.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.