MSF Belgium oo xiraysa xarumo caafimaad

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 Mey, 2012, 19:38 GMT 22:38 SGA

Hey'adda samafalka ee MSF ee ka hawlgasha Soomaaliya ayaa sheegtay inay go'aansatay inay xirto xarumo caafimaad oo ay gacanta ku heysay min 2006 ilaa 2008dii, kuwaas oo ku yiil Dhusa Mareb iyo Xiindheer .

Hey'adda ayaa sheegtay in go'aankaasi adag ay u qaadatay ammaanka deegaankaasi oo sii xumaanaya, waxaa sidaa yiri madaxa MSF ee Soomaaliya Bertrand Parrochet.

Mr Bertrand ayaa sheegay in uu rajenayo in howlwadeeno caafimaad oo ay si wanaagsan u tababareen ay dadka gacan ka geysan doonaan in ay dadka deegaanaadaa ay u qabtaan adeegyada asaasiga ah ee caafimaad.

MSF ayaa waxaa kale oo ay sheegeen in meel fog iyaga oo adeegsanaya isgaarsiin ay la talin kala sameyn doonaan xaaladaha bukaanada qaar marka ay lagama maarmaan noqoto.

Labo ka mid ah shaqaalaha MSF Beljim ayaa waxa lagu dilay magaalada Muqdisho 30kii Disember 2011kii.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.