bbc.co.uk navigation

Daawo laga qaato HIV

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 11 Mey, 2012, 11:01 GMT 14:01 SGA
Daawada lagula tacaalo HIV

Daawada lagula tacaalo HIV

Guddi khubaro ah oo la taliya dowladda Mareykanka ayaa isku raacay daawo dadka caafimaadka qaba la siinayo si looga dhowro in ay qaadaan HIV.

Waa markii ugu horreysay oo ay sidan yeelaan.

Daawadan oo la yiraahdo Truvada waxaa la siinayaa dadka khatarta ugu jira in ay qaadaan xanuun sida ragga isla seexda iyo qofka xaaskiisa ama seygeedu uu qabo HIV.

Tijaabooyin ayaa muujiyay in Truvada ay dhimi karto khatarta qaadista cudurka boqolkiiba 90.

Laakiin khubrada qaar waxay leeyihiin khatar ayay u leedahay caafimaadka.

Daawadan waxaa hadda loo isticmaalaa in lagu daaweeyo dadka qaba HIV.

Laakiin hadda hey'adda dowladda u qaabbilsan ansixinta daawada, ayaa laga sugayaa in si rasmi ah u oggolaato in daawadan ay qaataan dad bed qaba.

Dalka Mareykanka, konton kun oo ruux ayaa sannad kasta laga helaa cudurka.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.