bbc.co.uk navigation

Shir dhaqaale oo ka furmey Addis Ababa

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 9 Mey, 2012, 14:36 GMT 17:36 SGA
Ethiopia

Shir caalami ah oo dhaqaalaha Afrika loogu hadlaaya oo ka furmay Ethiopia

Magaalada Addis Ababa waxaa ka furmaya Shir loogu hadlaaya koboca dhaqaalaha africa.

Shirkani waxaa ka qayb galaya hogaamiyayaal Africa ka socda, madaxda shirkadaha waaweyn ee ganacsiga iyo khubaro dhanka dhaqaalaha.


Dalalka dunida ee maanta kobacooda dhaqaaluhu sida xawliga ah u korayo waxa kamid ah kuwa ku yaalla Africa

Lix wadan oo Afrikaan ah ayaa kamid ahaa 10-ka dal ee ugu sareeya liiska wadamada uu dhaqaalahooda sare u kacaayay tobonkii sano ee ugu dambeysey. Afrika waxaa la filaya in dhaqaalaheeda uu boqolkiiba lix uu kobco. Arritani aya dadka qaaradda u noqonaayso war wanagsan, iyadoo waddamada Europe ay la taacaalayaan dhaqaale xumo.

Shirkani waxaa ka qeyb galaaya Ilaa 700 oo mas'uul, waxaana kamid ah madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan, iyo kan Rwanda Paul Kagame, waxaana diirada lagu saari doonaa horumarinta ganacsiga iyo isbadelka. Waxaa kale oo laga hadli doonaa sidii loo hormarin lahaa hogaanka Afrika, iyo dhaqaalaha gaarka loo leeyahay.

Qaaradda Afrika in kasta oo uu horumarkaasi ka jiro, hadana waxaa soo wajahay dhibaatooyin kale, sida cunno yari, shaqo la'aan, abaaro iyo isbadelka cimilada. Arrimahaasi ayaa hadii aan wax laga qaban, waxay hakin karaan wax kasta oo horumar ah ee ay qaaraddu ku tallaabsato.

Wararka la xiriira

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.