bbc.co.uk navigation

UK oo xasillooni ka raadineysa G. Afrika

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 9 Mey, 2012, 13:49 GMT 16:49 SGA

Boqoradda Britain, Elizabeth, ayaa sheegtay in dowladdeedu ay ka shaqeyn doonto sidii xasillooni looga heli lahaa Geeska Afrika.

Hadal ay sannadkiiba mar ka jeediso Baarlamaanka oo lagu qeexo siyaasadda ay dowladda Britain ku shaqeyneyso ayaa waxaa ay ku tilmaantay in dowladdu ay ka shqeyn doonto in aan huba Nukliyeerku baahin.

Waxay sheegtay oo kale in dowladdu ay taageeri doonto sidii madaxbannaani siyaasadeed iyo mid dhaqaale ay u gaari lahaayeen waddamada Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika ee ku jira xaaladda kala guurka ah.

Waxaa muuqata in dowladda britain oo bishii February marti gelisay shir madaxeed arrimaha Soomaaliya lagu gorfeeyay, ay weli siyaasaddeeda ka mid tahay in ay sii daba joogto Soomaaliya si xal looga gaaro.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.