bbc.co.uk navigation

Dood kulul Sarkozy iyo Hollande

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 Mey, 2012, 10:27 GMT 13:27 SGA

Madaxweynaha Faransiiska, Nicolas Sarkozy, ayaa dadaalka uu ugu jiro in uu shaqadiisa xajisto wuxuu u geeyay in uu dood telefishinka ah oo lagu tilmaamay in uu ku guuleysan waayay in uu isaga reebo ninka la tartamaya.

Waxaa loo arkayay fursaddii ugu dambeysay ee Madaxweyne Sarkozy uu uga soo kaban lahaa guusha hordhaca ah ee looga helay wareeggii koowaad ee doorashada.

Axadda ayaa doorashada wareeggeedii labaad uu dhici doonaa.

Sahan la sameeyay wuxuu saadaalinayaa in lix dhibcood uu horreeyo Farncois Hollande oo ah murashaxa xisbiga Hantiwadaagga.

Intii dooddu socotay Sarkozy wuxuu waday weerar isaga oo Mr. Hollande ku eedeeyay in uu yahay beenaale.

Laakiin Hollande si deggan wuxuuna ku celceliyay in Madaxweynuhu inkirsan yahay in uu qaato mas'uuliyadda hawshiisa.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.