bbc.co.uk navigation

Roobab xooggan oo saameeyay qaxootiga

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 Abriil, 2012, 18:40 GMT 21:40 SGA

Xeryaha qaxootiga waxaa ku jira boqolaal kun oo Soomaali ah

Hadal qoraal ah oo ay soo saartay hey'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR, ayaa sheegay lagu sheegay in roobab xoog leh ay ku dhufteen xeryaha qaxootiga ee ku yaalla dalalka Kenya iyo Ethiopia.

Roobabkaasi oo sababay daaday ayaa waxa ay khasaaro u geysteen teendhooyinka iyo jidadka gala xeryaha kuwaasi oo saameyn u geystay gaarsiinta gargaarka samafalka.

Xerada Doolo Addoo ayaa waxa uu roobku burburiyay bishan April 700 oo teendhooyinka qaxootigu ay ku jiraan ah.

Xeryaha qaxootiga ee ku yaalla Dhabaab iyo Doolo Addoo ayaa waxa ka buuxa boqolaal kun oo qaxooti Soomaali ah oo ka cararay dagaallada sokeeye iyo colaadda ka taagan Soomaaliya.

UNHCR waxa ay sheegtay in maalin walba ay xerada qaxootiga ee Doolo ay yimaadaan qaxooti hor leh.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.