bbc.co.uk navigation

Dastuurka Puntland oo la ansixiyay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 18 Abriil, 2012, 15:06 GMT 18:06 SGA
Baarlamaanka Puntland

Baarlamaanka Puntland

Waxaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland lagu ansixiyay dastuurka cusub ee la doonayo oo uu yeelanayo maamulkaas waxii hadda ka danbeeya.

Munaasabadda ansixinta dastuurka cusub ee Puntland, ayaa waxaa ay ka dhacday hoolka baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe ayaa waxana lagaga dhawaaqay in si rasmi ah loo ansixiyay dastuurkaas.

Munaasabadda lagaga dhawaaqay ansixinta dastuurka cusub ee Puntland ayaa waxaa ka qeyb galay oo goob joog ka ahaa ergadii ansxisay oo ka kala socday dhamaan deegaanada Puntland. Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa wakiilo ka socday beesha caalamka sida Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa.

Sida uu BBC u sheegay Dr maxamed xasan Bare, dastuurka cusub ee Puntland waxaa ansixiyay 472-xubnood oo ka mid ahaa ergada codka u qaadeysay ee 480 xubnood, waxaa ka soo horjeestay codka dastuurkan cusub ilaa 6-xunood, labo kalena waa ka maqnaayeen goobta.

Maxamed xasan Bare oo ah gudoomiyaha guddiga doorashada Puntland ayaa waxaa uu ku tilmaamay ansixinta dasuurka waa cusub oo Puntland ay uga guuratay habkii wax qeybsiga qabiilka uguna gudubtay doorasho iyo Dimuquraadiyad.

Mucaaradka

Dastuurkan cusub ayaa waxaa ku gacan seyray General Cabaahi saciid samatar oo horey wasiir uga ahaan jiray xukuumada madaxweyne Faroole.

Generalka ayaa waxaa uu ku eedeeyay maamulka in uu ku guuleysan waayay in doorasho ay dhacdo oo taa badalkeeda uu sheegay in dowladdu ay sanad ku darsatay waqtigii horey loo go'aamiyay, isla markaana uusan aqbali doonin natiijada dastuurka.

Wararka la xiriira

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.