Taliye Libyan ah oo dacweynaya UK

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 18 Abriil, 2012, 11:55 GMT 14:55 SGA

Abdulhakim Belhadj waxa lagu wareejiyay ciidankii ammaanka ee Colonel Qaddaafi

Qareenno matalaya taliyaha ciidamada Libya ee magaalada Tripoli ayaa waxay dacwad ku soo oogaya Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda ee Britain, Jack Straw, oo lagu eedeeyay inuu amray in lagu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Colonel Qaddaafi.

Abdulhakim Belhadj ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisa si sharci darro ah in CIA uga qaaday Britain oo la geeyay Libya, xilligaasi oo Mr Straw uu xafiiska ka talinayay.

Waxa uu bilaabay dacwad bishii December, waxaana BBC oggaatay in waraaqaha uu ku qoran yahay shaqsi ahaan Mr Straw.

Mid ka mid ah qareenada Mr Belhadj ayaa sheegtay in Jack Straw uu qirto waraaqaha oo u muuqda inuu saxiixay in Belhadj lagu wareejiyo Libya.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.