BBC navigation

Maxkamada Andres Breivik oo bilaabatay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 Abriil, 2012, 11:42 GMT 14:42 SGA
Maxkamada Oslo ayaa bilaabatay maanta

Maxkamada Oslo ayaa bilaabatay maanta waana maxkamad qaas ahaan loo sameeyay dacwada Andres Breivik

Ninka lagu eedeynayo in uu dilay toddobaatan iyo toddobo qof dalka Norway, ayaa sheegay in uusan dambi lahayn.

Anders Behring Breivik, ayaa xaqiijiyay in uu weerarka qaaday laakiin wuxuu beeniyay in ay dambi tahay, isagoo xusay in uu is difaacayay.

Wuxuu sheegay in uusan aaminsanayn maxkamadda, sababtoo ah buu yiri waxay ku xiran tahay xisbiyada siyaasadaha ee taageera wadajirka dhaqamada kala duwan.

Dacwad oogaha ayaa aqriyay magacyaii dadkii dhintay iyo dadooda oo intooda badan ahaa dhowr iyo toban jir. Dadka ayuu ku dilay
Andreis Breivik bomb iyo xabado, qaar kalena waxay ku dhinteen biyaha jasiirada Utoeya ka dib markii ay isku tuureen

Andres Breivik, ayaa la filayaa in uu ka hadlo maxkamadda si uu u sheego sababta uu dadka u dilay.

Andres Breivik, ayaan muujin wax dareen ah markii dacwad oogaha uu tilmamamayay sidii dadka ay u dhinteen iyo sidii dadka kale ee dhaawacmay ay u waayeen adimadoodii qaar kalena ay ku indho-beeleen.

Dadka ku dhintay bombka iyo xabadda ka sokow, laba qof oo kale, ayaa ku dhintay jasiirada Utoeya kadib markii ay biyaha isku tuureen, iyagoo ka caraya xabadda.

Andres Breivic, ayaa ooyay markii la tusay maxkamadda video uu isaga sameeyay oo muujinaya nacaybka uu u qabo dadka ajnabiga ah.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.