bbc.co.uk navigation

UN oo kormeerayaal u direysa Syria

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 15 Abriil, 2012, 14:45 GMT 17:45 SGA
syria ceasefire

syria ceasefire

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa markii ugu horeysey meel mariyey kharaar ku saabsan xasarada dalka Syria, talaabadaas oo waddada u xaareysa in koox ka kooban 30 kormeerayaal caalami ah halkaa la geeyo.

Kormeerayaasha caalamiga ee tegaya Syria, waxaa ka hor imaan doona hawl adag oo ah inay xoojiyaan xabad joojinta u muuqata inay liicato.

Goobo badan ayaa heshiiska xabad joojinta la jebiyey, qeybo ka tirsan magaalada Homs, gebi ahaan waa la buriyey heshiiskaasi.

Rabshadaha goos gooska ayaa gaarey heer la mid ah markii dagaalada ay sida xooggan u socdee, ka hor intaan heshiiska xabad joojinta dhaqan gelin.

Mucaaradka waxay ciidamada dowladda ku eedeynayaan inay adeegsadeen hubka culus, markii ay duqeyn ba'an u geysteen Homs oo ay ku sugan yihiin dagaalyhanada mucaaradka.

Waxay kaloo sheegayaan in ciidamada dowladda ay rasaas ku fureen dad banaanbaxyo ka dhigayey goobo kala duwan oo dalka ku yaala.

Dowladda ayaa dhankeeda waxay ku eedeyneysaa waxa ay ugu yeertey kooxo argagixiso ah oo hubeysan, oo geysanaya weeraro dhowr ah iyo dilal ka dhan ah ciidamada qaranka, iyagoo uga gol leh inay carqaladeeyaan qorshaha nabada ee Kofi Annan.

Kooxda Hordhaca ah ee kormeerayaasha waxay qiimeyn ku sameyn doonaan sida looga hawlgeli karo goobaha noocaasi oo kale ah.

Waxay sidoo kale eegi doonaan sida ay wadashaqeyn doonaan dowladda Syria, sida ay iyagoo xor ah goob kasta u tegi doonaan, iyo sida xaaladda amaanka u suuragelin doonto in 250 kormeerayaal la geeyo halkaasi, hadii wax walba ay noqdaan sida la filayey.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.