BBC navigation

Ciidamo qabsaday deegaano ka tirsan Bay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 7 Abriil, 2012, 11:24 GMT 14:24 SGA

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in kadib markii ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ku meelgaarka ah ay shalay qabsadeen degmada Qansax-Dheere ee gobolka Bay ay hadda ciidamadaas ku sugan yihiin duleedka degmada Ufurow.

Xaaladda Ufurow, ayaa hadda ah mid kacsan, iyadoo ciidamada dalka Ethiopia, oo ay la socdaan kooxo hubaysan oo Soomaali ah, ayaa hadda ku sugan wax ka yar 10km meel u jirta Ufurow.

Al-Shabaab ayaa wararku sheegayaan in wali ay ku sugan yihiin koontaroolka Ufurow.

Waxaa dadka deegaanku cabsi ka qabaan in ciidamadu ku dagaalamaan gudaha magaalada, inkastoo al-Shabaab dib uga guranaysay maalmihii ugu dambeeyay goobaha ay ciidamada Ethiopia duulaanka ku soo qaadaan.

Degmada Qansax-Dheere, ayaa afhayeen u hadlay al-Shabab uu sheegay in ay xeelad dagaal uga baxeen kadib markii si ciidamada Ethiopia iyo ciidan Soomaali ah oo la socda ay weerareen. Shalay galinkii dambe.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.