bbc.co.uk navigation

Shabaab oo laga qabsaay Qansax Dheere

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 Abriil, 2012, 17:02 GMT 20:02 SGA

Ciidanka Ethiopia

Wararka ka imanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay qabsadeen maanta magaalada Qansax Dheere.

Qabsashada magaalada ayaa ka danbeysay kadib markii dagaal uu labada dhinac ku dhexmaray meel ka baxsan magaalada, kaasi oo la sheegay in khasaaro uu geystay.

Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ay u soo dhaqaaqeen dhinaca magaalada Buur Hakaba, iyaga oo soo dhaafay Deynuunaay.

Magaalada Qansax Dheere ayaa ah magaalo muhiim ah oo isku xirta gobolada Baay, Gedo iyo Shabeellada Hoose.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.