Shir looga hadlaayo Mali

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 2 Abriil, 2012, 15:16 GMT 18:16 SGA

Urur goboleedka galbeedka Afrika ECOWAS ayaa ku soo rogay cuna qabatayn dhaqaale iyo mid dimlomaasiyadeed dalka Mali, kadib markii ciidamo gadooday ay xukunka la wareegen toban maalmood ka hor.

Mali ayaa xuduudaha laga xirtay bangigii dhexe ee gobolkana galbeedka Afrika wuxuu ka gooyay Mali xiriirkii.

ciidanka Mali

Ciidanka Mali ee xukunka la wareegay ayaa sheegay inay soo celinayaan dastuurka iyo hayadaha dowladda

Hogaamiyayaasha galbeedka Afrika ayaa sheegay in cunaqabataynta ay jiri doonto ilaa dastuurka la soo celiyo.

Waxay sheegeen inay diyaarinayaan ciidan gobol oo gala wadanka si ay xaalada mali wax uga qabtaan. Mucaaradka Tuareg ayaa maalmihii ugu danbeeyay qabsaday waqooyiga mali.

Mucaaradka Tuareg ee Maali ayaa sheegay inaysan doonayn inay u gudbaan koonfurta oo ka gudbaan waqooyiga oo ay isku dayayaan inay ka sameeyaan maamul.

Mucaaradka oo doonaya madaxbanaani ayaa la wareegay shalay Timbuktu oo ah meeshii ugu danbaysay ee uu milatariga ku xooganaa.

Hogaamiyaha milatariga xukunka la wareegay ayaa balanqaaday inay soo celinayaan dastuurkii wadanka iyo hayadihii dowladda.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.