BBC navigation

Assad oo sheegay inuu aqbalay qorshaha nabada

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 Maarso, 2012, 20:21 GMT 23:21 SGA

Madaxweynaha Syria Bashar al Assad ayaa sheegay inuu aqbalay qorshaha nabada ee Koffi Annan, laakiin Mr Assad ayaa sheegay in kooxaha hubaysan ay joojiyaan falalka argagixisada ee ay ku hayaan dowladda.

Shirka Jaamacada carabta ee Baqdaad

Shirka Jaamacada Carabta ayaa markii ugu horaysay lagu qabtay Baqdaad tan iyo intuu Saddam Xussein uu xukunka ka degay

Maanta ugu yaraan labaatan qof ayaa lagu dilay dagaal.

Britain ayaa ku dhawaaqday inay siinayso toddobo boqol oo kun oo dollar oo dheeraad ah mucaaradka Syria.

Xoghayaha arimaha dibada ee Britain ayaa sheegay inay lacagta loogu tala galay taageero aan hub ahayn ee mucaaradka madaxweyne Asad.

Jaamacada Carabta

Jaamacada Carabta oo ku shirtay Baqdaad maanta ayaa ku baaqday in la hirgaliyo qorshaha nabada ee ay qaramada Midoobay taageertay sida ugu dhaqsaha badan.

Qorshaha ayaa wuxuu ku baaqayaa in ciidamada in ciidamada ay ka baaxaan magaalooyinka, in loo daayo maxaabiista, in gargaar loo ogolaado dadka u baahan iyo in la ogolaado wariyayaasha inay wadanka si xor ah uga soo waramaan.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.