Diyaarad ay leedahay shirkada Turkish Airlines ayaa waxaa ay ka degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Turkish Airlines ayaa ka degtay Muqdisho
Shirkada diyaaradaha ee Turkish Airlines ayaa waxaa ay ka degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Waa duulimaadkii ugu horeeyay ee caalami ah ee Soomaaliya ka daga muddo labaatan sano ah.
Diyaaradda waxaa soo dhaweeyay wafdi badan oo ka socday DKMG ah, sarakiil Qaramada Midoobay iyo safiirro.
Duulimadka ayaa waxaa uu daba socdaa booqasho uu Muqdisho ku tegay sanadkii la soo dhaafay Ra'isul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, kaas oo sheegy inuu ka horjeedo fekradda oranaysa Muqdisho waa meel aan la tegi karin.
Shirkadda diyaaradaha Turkiga ayaa waxaa ay sheegaysaa in ay labo jeer u kala duuli doonto Muqdishu iyo Ankara iyada oo sii mareysa magaalada Khartoum ee dalka Sudan.
BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.
Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.